Uncategorized

War Deg Deg ah:- Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare oo lagu Weeraray Magaalada Muqdisho

Muqdisho–KNN– Koox Hubeysan oo watay Gaari Nuuca Raaxada ah ayaa Weerar ku qaaday Gaari uu leeyahay Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo ka mida Sanatarada Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo Xilligaas marayay inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Digfer Ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa Xilliga Weerarka lagu qaaday Waxaa la socday Gabar uu dhalay Xildhibaan Xuseen Cali  Xaaji iyo Wiil Darawal u ah Xildhibaanka Gaarigiisa la Wareeray.

Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in uusan la socon Gaariga islamarkaana ay saarnaayeen Gabar uu dhalay iyo Darawalkiisii islamarkaana labaduba ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Ammaanka ayaa Baaritaano kala duwan ka sameeyay Goobta lagu Weeraray gaariga Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji.