Uncategorized

War deg deg ah:- Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo dil ka badbaaday.

Muqdisho-KNN-Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caawa ka badbaaday isku day dil kadib weerar lagu qaaday Gaarigiisa.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa KNN u sheegay in Xildhibaanka Gaarigiisa la rasaaseeyay islamarkaana aysan jirin wax khasaara ah oo soo gaaray Xildhibaanka iyo Ciidankii la socday.

Xildhibaanka Dilka ka badbaaday ayaa lagu magacaabaa C/llaahi Maxamed Nuur, waxa uuna mar soo noqday Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Soomaaliya, sidoo kale Xildhibaanka ayaa hadda ka tirsan Golaha Shacabka waxaana sidoo kale uu yahay Guddoomiyaha Kutladda Horu-socod ee Golaha Shacabka.

Goor-dhaw Filo wixii ku soo kordha.