Uncategorized

War deg deg ah-:Xildhibaano lagu eedeeyay Qaran dumis oo la codsaday in xasaanadda laga qaado.

Muqdisho-KNN-Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa Baarlamaanka golaha shacabka ka dalbaday in ay Xasaanadda ka qaadaan Labo mudane oo ka tirsan golaha Shacabka kuwaas oo lagu eedeeyay Qaran Dumis.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye iyo Xildhibaan Xasan Macalim Maxamuud ay dalka ka galayn dambi loon baahan yahay in lagu sameeyo baaritaan sidaas darteedna loo baahan yahay in Xasaanadda laga qaado si loola xisaabtamo.

Dr Axmed Cali Daahir ayaa warbaahinta u sheegay in warqad ay u gudbiyeen Guddoonka Golaha Shacabka taas oo ay ku dalbanayaan in Xasaanadda laga qaado Labada xildhibaan si ay u guda galaan baaritaankooda.

Lama oga sida ay arintaan ku suurta gali doonto, balse arintaan ayaa ku soo beegmeysa xili mas’uuliyiin u badan Xildhibaano lagu xanto ay Laaluush ku soo qaatayn abaabulka mooshin lagu sheegay qaran Dumis.