Uncategorized

War Deg Deg: Dab xoogan oo goordhow ka kacay suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid

Yaaqshiid-KNN-Wararka haatan naga  soo gaaraya suuq bacaad ee degmada yaaqshiid  ayaa sheegaya in dab xoogan uu goordhow ka kacay suuqaas.

Dabka ayaa waxa uu marka hore ka bilowday qeybo kamid ah suuqa oo looyaqaano sarifka  isagoona haatan ku faafay sida la sheegay qeebaha kale ee suuqa.

Dabkaan ayaa la sheegaya inuu ku soconayo si xawli ah maadaama marba marka ka dambeeya u sii lixaadsanayo islamarkaaan uu kusii fidayo qeebaha kale ee suuqa.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkaasi.

Wixii ku soo korho la soco.