Uncategorized

War deg deg: Dab xoogan oo goordhow ka kacay Xaafad ku taala degmada warta Nabada.

Muqdisho-KNN-War goordhow naga  soo gaaray Xarunta Xisbiga oo ku taala inta u dhexeya Isgoosyada Cali kamiin iyo Baar ayaan  ayaa sheegaya  in uu dab xoogan uu  ka kacay Xaruntaas.

Dabkaan ayaa la sheegay in intiisa badan uu ka socdo Gudaha Xarunta Xisbiga, lamana oga wax uu debkaas ka bilaawday.

Dadka Deegaanka ayaa Sheegaya In Weli uu dabka socdo,islamarkaana ay goobta gaaray gaadiidka Dab damiska ee Maamulka gobalka Banaadir.

Waxaana hada Soconaya Gurmad lagu Daminayo Dabka ka kacay xarunta xibiga ee Magaalada Muqdisho.

Wixii ku soo kordha la soco inshaa Allaah