Muqdisho-KNN-Wararka Laga helayo Suuqa weyne ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in gaari Xamuul ah oo soo fariin goostay uu labo qof ku dilay suuqa lagu Iibiyo Badarka ee Magaalada Muqdisho.
Dadkan Naafada ah ayaa waxaa ay Fadhiyeen goobta uu gaari xamuulka ah ku jiiray.
Goobjoogayaal ku sugan Nawaaxa uu gaarigan xamuulka ah dadka ku jiiray ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay inuu jiro khasaaro uu geystay gaarigaas.
Ciidamada Amaanka ee Degmada Howl-wadaag oo tagay Goobta uu gaariga xamuulka ah Falkan ka geystay ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen gaarigii dhibaatada u geystay dadkan naafada ah.
Maamulka Degmada Howl-wadaag oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in Tilaabo adag laga qaadi doono darawalkii ka xeynayay gaarigan oo dhibaatada u geystay dadkan naafada ah.