Uncategorized

War Deg Deg :-Gabar iska soo tuurtay Hotel ku yaala magaalada Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Sida ay Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyeen goob joogayaal iyo Shaqaalo ka tirsan Hotel ku yaalo Xaafadda Baar Ubax oo lagu magacaabo Hotel Nasiye waxaa halkaasi iska soo tuurtay Gabar la sheegay in muddo 3 Habeen ah ay halkaasi la joogtay nin la sheegay in uu yahay Seygeeda.

Gabadha oo aan magaceeda helin ayaa la sheegay in ay iska soo tuurtay daarta Hotelka uu ku yaalo oo ka kooban dhismo 3 dabaq ah ayaa la sheegay in uu dhaawac halis ah soo gaaray waxaana ay isku tuurtay dhinaca dhismaha Laamiga.

Dadkii arkay gabadha Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa goobta tagay Islamarkaana gacanta ku dhigay Ninkii la joogay gabadha ayaa sheegay in ay Qoorta ka jabtay sidoo kale wijiga iyo Ilkaha bur bur uu ka soo gaaray waxaana la dhigay Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Booliska Gobalka Banaadir iyo Mid ka mid ah Shaqaalaha Hotelka ayaa ka soo xiganeynaa,

“Gabadha mudo 3 Habeen ah ayay Hotelka la daganeed nin dhalinyar ah waxayna ka timid Ceelasha Biyaha isagana waxa uu dagan yahay degmada Hiliwaa waxa uuna sheegay in uu qabo waxaana hada ninka uu ku xeran yahay Saldhigga degmada Howl-wadaag oo ah halka uu falka ka dhacay”

Sidoo kale Saraakiisha aan la hadalnay ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in ninka uu sheegay in Gabadha uu qabay maalmihii la soo dhaafayna ay isku buuqsanaayeen xiligii ay Dabaqa iska soo tuureysana uu ku maqnaa Maqaayad uu ka soo iibinayay Quraac.

Ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta waxa gabadha ku qasbay in ay iska soo tuurto dabaqa Balse wararka Madaxa banaan oo ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheeagayo in ay gabadha maalmahan ku nooleed buuq maskaxeed waana gabar ka yar da’da 20-ka Sano sida ay noo sheegeen dadkii arkay iyo Saraakiisha Booliska.

Ciidanka amaanka ayaa wado Baaritaan arintaan la xariiro waxayna sheegeen in ay ka warbixin doonaan markii uu soo dhamaado Baaritaankooda.