Dhuusa Mareeb-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalad Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in goordhow xilka laga qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka galmudug,kadib markii kulan ay isugu yimaadan Xubnaha ka tirsan Baarlamaanka.
Tirada Maanta soo xaadirtay kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in ay gaarayeen 147 mudane,iyadoona 146 Xildhibaan ay xilka ka qaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,Waxaana ka aamusay Hal Mudane.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii Mooshin ka dhan ah gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ay u gudbiyeen Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali xareed.