Uncategorized

War Deg Deg:- Koox Hubeysan oo Degmada Jowhar ku dishay Qof Shacab ah

Jowhar–KNN-– Koox Bastoolado wadatay ayaa Maanta Xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar ku dishay Qof Shacab ah oo ka mid ahaa Dadka ku nool Degmada Jowhar.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Dableey Bastoolado wadatay ay Toogteen Nin lagu Magacaabo Cabdalla Saalim Sayid oo ka mid ahaa Dhalinyarada ku shaqeysta Xirfadda Tima-jaraha.

Dableeydii Dilka geysatay ayaa Goobta ka baxsatay,waxaana Goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga oo halkaasi Baaritaano ka sameeyay.