Uncategorized

War Deg deg ah: Saddex Caruur oo ku dhaawacmay Qarax miino ka dhacay Deegaanka Carbiska

Carbiska-KNN-Wararka laga helayo Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku Waramayaan in qarax laga maqlay deegaanka carbiska ,kadib markii Saddex Caruur ah ay garaaceen qaraxaasi waxaana ka soo gaaray dhaawacyo halis ah Saddexdii canug ayaa garaacday.

Dadka Deegaanka Carbiska oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa Sheegay in Saddexdan Caruur ay ka yimaadeen Dugsi lagu barto qur’aanka kariinka,kadibna ay u soo socdeen Hoygooda oo ku yaala Deegaanka carbiska,sidaasina uu qaraxa ku haleelay.

Goobta uu qaraxa  ka dhacay ayaa u dhow Xarun ay Degan yihiin Ciidamada AMISOM,inkastoo caruurtan ay deganaayeen Kaam ku yaala Deegaanka Carbiska.

Saddexdaan Caruur ee ku dhaawacmay Qaraxan ayaa waxaa loola Cararay Xarumaha Caafimaadka Sida uu soo Sheegayo Wariyaheena Gobalka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii uguu dambeeyay Ayay Aheyd markii Caruur Sidan oo kale ugu ciyaaraya Waxyaabaha Qarxa ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.