Muqdisho-KNN-Inta la Xaqiijiyay 11-ruux ayaa ku dhaawacmay weeraro kooxo hubeysan ay ku qaadeeen xafiiska Hey’adda samofalka ah ee Save the Children oo fadhigeedu ahaa dalka Afganistaan.
Qarax ayaa ka dhacay afka hore ee albaabka xarunta hey’addaasi oo ku taalla magaalada Jalalabaad,kadibna kooxo hubeysan ayaa galay dhismahaasi, sida ay ku warameen mas’uuliiinta halkaasi.
Sidoo kale Waxaa la Sheegay in la arkayey caruur badan oo ka firxanaya dugsi u dhow xaruntaasi,kadib rasaas xoogan oo la maqlay,waxaana magaaladaasi ay bartilmaameed u tahay kooxda Dhaalibaan.
Weerarka lagu qaaday xarunta Hey’adda Save the Children ayaa yimid maalmo kadib markii kooxda Taalibaan ay weerartay hotel lagu magacaabo Intercontinental oo ka mid ah kuwa raaxada ee ku yaalla magaalada Kabuul,halkaasi oo ay ku dileen 22-ruux oo badankoodu ahaa ajnabi.