Uncategorized

War deg deg:Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya oo goordhow la magacaabay.

Muqdisho-KNN-R/Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow waxaa uu xilka wasiirka wasaarada gaashaandhiga xukuumada Soomaliya u magacaabay Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan,iyadoona Xilkan uu horey iska casilay Wasiirkii hore ee wasaarada gaashaandhiga ee ku xukuumada Soomaaliya Cabdi rashiid Cabdullaahi Maxamed,sidaasina waxaa bartiisa twitterka ku soo qoray wasiirka wasaarada warfaafinta ee xukuumada Soomaaliya Eng.Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Balse mudo ku dhow hal bil ayay aheyd markii R/Wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu kulamo wadatashi ah uu la sameynayay xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,iyo odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada golaha Shacabka,islamarkaana waxaa uu kala tashanayay cida ku haboon in loo magacaabo wasiirka wasaarada gaashaandhiga ee xukuumada Soomaaliya.

Sidoo kale R/wasaare kheyre ayaa kulan waxaa uu la qaatay madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo.isagoona kala tashanayay sidii loo magacaabi lahaa wasiirka wasaarada gaashaandhiga,inkastoo maanta ay suura gashay in wasiirka wasaarada gaashaandhiga soomaaliya loo magacaabo Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan.

Hayeeshee waxaa  horey u jirtay in  Taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) uu isna iska casilay xilka taliyaha ciidanka xooga,iyadoona markii dambe loo magacaabay Janaraal Cabdi Jaamac Xuseen (Gorod) kadib markii uu talo soo jeedin ahaan golaha wasiirada u dhex keenay wasiir ku xigeenka gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Colaad Rooble.

Sidoo kale Horey waxaa iyana xilka wasaarada gar-gaarka iyo musiibooyinka soomaaliya iska casishay maryan Qaasim oo aheyd wasiirka wasaarada gar-gaarka iyo musiibooyinka ee Xukuumada Soomaaliya.