Uncategorized

War degd deg ah-:Al-Shabaab oo dhaxdooda ku dagaalmay Gobalka Gedo.

Garbahaarey-KNN-Dagaal culus oo u dhaxeeyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab dhaxdooda ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel-cadde oo ku yaala duleedka degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobalka Gedo.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeya Sarkaalka Al-Shabaab ugu sareeyo ee Gobalka Gedo oo magaciisa lagu soo koobay Fiidow iyo Ciidamo kale oo shabaab ka tirsan waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in mudooyinkii ugu dambeeyay uu khilaaf ka dhax taagnaa Al-Shabaab iyo Sarkaal gadood ka sameeyay oo ku sugnaa Ceel Cadde ee Gobalka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa Taliyahooda ugu sareeyo G/Gedo oo Magaciisa lagu soo koobay Fiidow ka dalbaday in uu soo wareejiyo hub Gaadiid iyo Ciidan la socda kadib markii ay Shabaab ugu shakiyeen in uu iska dhiibo Gobalkaasi Gedo.

Ugu yaraan 5 Askari oo ka tirsan Labada dhinac ayaa la sheegay in ay ku dhintayn dagaalkaasi, dadka dhintay ayaa Labo ka mid ah waxaa la xaqiijiyay in ay ka dhintayn Sarkaalka weerarka lagu soo qaaday.

La soco wixii ku soo kordho.