Uncategorized

WAR-SAXAAFADEED:-Golaha Iskaashiga M/Goboleedyada Oo Kasoo Hor jeystay in dib loo dhigo doorashada kuraas ka banaan Golaha shacabka.

Mqdisho-KNN-Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa war-murtiyeed ay soo saareen waxaa ay uga soo horjeesteen go’aan ay Maxkamadda sare ee dalka dib ugu dhigtay doorashada Kuraasta ka banaan golaha shacabka Soomaaliya.

Waxaana Golaha iskaashiga ku doodayaan in doorashada kuraastaas la siyaasadeeyay iyaga oo Guddiga doorashada madaxabanaan ugu baaqay in doorashadaas ay qabtaan.

Kuraastaas waxaa ka mid ah midka Taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo laga soo doortay Hirshabeelle iyo Kursigii Wasiirkii howlaha guud Cabaas Sheekh Siraaji oo isna laga soo doortay Jubaland.