Uncategorized

Warar dheeraad ah oo ka soo baxa qarax xalay lalabeegsay ciidamo ka tirsan dowlada

Muqdisho-KNN-Faafaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo xalay fiidkii lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya kuwaas marayay meel aan sidaas ugu fogeyn Isgoyska Ex Kontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa Miino ayaa lalabeegsaday Gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya, waxaana warar hoose oo soo baxaya ay tilmaamayaan in qaraxaas aan wax khasaara ah uu ka gaarin ciidamadii dowlada ee qaraxa lala`eegtay.

Laakiin inta la xaqiijiyay qaraxaas waxaa ku geeriyooday laba ruux oo rayid ah oo ka ag dhawaa goobta uu qaraxa uu ka dhacay.

Wararka dheeraadka ee ka soo baxa qaraxaasi miino ee xalay lalabeegsay ciidamada dowlada ayaa sheegaya in howgal ay goobta ka sameeyeen ciidamada amniga magaalada Muqdisho in lagu soo qab qabtay dhalinyaro farabadan oo ka agdhawaa halka uu qaraxa uu ka dhacay.

Kuwaas oo loo gudbiyay xarumo la sheegay in lagu baarayo, waxaana dadka deegaanka oo la hadlay KNN ay tilmaameyn in loo sheegay in la deyn doono dhalinuyaradaas shaqsigii lagu waayo wax dambi ah.

Habeenadii dambe ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay Qaraxyo iyo weeraro qorsheysan oo mas`uuliyadooda ay sheeganayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.