Somali News

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dad ku sumoobay Caano ay Cabeen

Xiingalool-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya ku dhawaad 30 ruux oo ku sumoobay Caano ay cabeen, dhacdadaasi oo ka dhacday deegaanka Xiingalool ee gobolka Sanaag.

Maamulka Isbitaalka dhexe ee deegaankaas ayaa sheegay in maanta ay korortay dadka ku sumoobay Caanahaasi ee Isbitaalka la geeyay, waxaana hadda Isbitaalkaas jiifa dad ku dhow 30 ruux oo 19 ka mid ah maanta Isbitaalka la geeyay.

dadka deegaanka ayaa sheegay in dadkaas ay sumoobeen maalmo ka hor kadib markii Caano ay ka isticmaaleen goob Alla bari lagu qabay, waxaana sidoo kale dadka deegaanka ay tilmaameen in dadkaan mar qur ay la soo boodeen Matag iyo shuban, waxaana dadka sumoobay ka mid ah Qoys Aroos ah.

Mas`uuliyiinta sare ee Isbitaalka ayaa sidoo kale sheegay in bukaanada qaar xaaladooda ay soo hagaageyso halka kuwoo kalane xaaladooda caafimaad ay aad u liidato.

Dadkaan ayaa ku sumoobay Caano Xoolo laga lisay, Xoolahaasi oo la sheegay in dawooyin la siiyey.