Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Askari ka tirsan ciidamada xooga Soomaaliya oo maanta lagu dilay magaalada muqdisho gaar ahaan aga gaarka Warshadii hore ee Baastada iyo Isgoyska ex –Control Balcad.
Dagaalamayaasha Al-shabaab oo sheegtay mas`uuliyada dilkaan ayaa sidoo kale dhaawacay Askari kale oo la socday Askariga dhintay.
Joogooyaal Idaacada Kulmiye la hadlay waxay sheegeen in ay isrisaaseeyeen ciidamada dowlda iyo kooxdii ka tirsaneed Al-shabaab ee weerarkaas geysatay, isla markaana Askariga ka tirsan Ciidamada Xooga uu ku guuriyooday isrisaaseyntaasi, mid kalane uu ku dhaawacmay.
Goob joogayaashaan ayaa sidoo kale tilmaamay in uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday laakiin ay u suura gashay in ay baxsadaan.
Ciidamada Dwolada Soomaaliya ayaa markii uu dhacay weerarkaas ka dib halkaasi ka sameeyay howgal, muddo kooban socday.
Al-shabaab oo ka hadlay weerarkaan oo mas`uuliyadiisa ay sheegteen ayaa sheegay in ay dileen Sargaal sare oo ka Ciidamada Dowlada, oo magaciisa ay ku sheegeen Jarane, dhan Dowlada wali kama aysan hadlin weerarkaasi maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Maalmahaan dambe ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaayay weerarada iyo dilalka qorsheysan ee lala beegsanayay Shaqaalaha dowlada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.