Uncategorized

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dil xalay loo geystay mas`uul ka tirsan maamulka Puntland

Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo Waqooyiga  magaalada  Gaalkacyo gobalka Mudug ayaa sheegaya in Xalay gudaha Magaaladaasi lagu dilay Xisaabiyihii Dowladda Hoose ee Gaalkacyo Axmed Deeq Cali Hayaan.

Dablayda  ku hubaysan Baastoolado ayaa ku dilay Magaaladda Gaalkacyo, iyadoona  falka kadib kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday.

Ciidamo katirsan Kuwa Puntland oo goobta gaaray ayaa halkaasi ka sameyeey baaritaano, inkastoo ay dad badan ku soo qabteen howgalkaasi.

Axmed Deeq ayaa  la sheegay in Xabada ka haleeshay Madaxa, waxaana  uu ku naf baxay cisbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Ma jirto cid Sheegatay Masuuliyada Dilka Xisaabiyiii Dowlada Hoose Magaalada gaalkacyo ee Mudug.

Magaalada gaalkacyo ayaa waxaa ay ka mid ah tahay Meelaha inta badan Al-Shabaab ay dilalka qorsheysan ka geystaan,iyadoona ay la eegtay Masuuliyiinta ka tirsan maamulada ka arimiya Magaalada gaalkacyo ee Gobalka mudug.