Uncategorized

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dilal xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN– Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay nin sarifla ahaa oo lagu magacaabi jiray Aadan’ sidoo kalane Sarkaal ka tirsanay ciidamada xooga ayaa Gaari uu watay loogu xiray waxyaabaha Qarxa.

Ninka sariflaha ahaa ayaa markii la dilayay wuxuu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaala degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Sida ay tilmaamayaan warar dheeraad ah oo ay heshay Idaacada Kulmiye ninkaa sarifla ah ayaa ka mid ahaa Ergadii soo dooratay mid ka mid mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya’ doorashadaas oo ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday ka hor inta aysan soo gaarin ciidamada amaanka oo halkaas gaaray.

Dhankale Sarkaal ka tirsan ciidamada xooga ayaa ku dhintay xalay qarax gaarigiisa loogu xiray’ kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Caddow.

Sarkaalkaan ayaa ku dhintay waxyaabaha qarxa oo Gaarigiisa loogu xeray’ waxaana falkaas uu ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ciidamada dowlada ayaa goobta gaaray waxaana halkaas ay ka sameeyeen baaritaano ay ku baadi goobayeen kooxdii falkaas ka dambeysay.