Uncategorized

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya diyaaradii ku bur-burtay Iiraan.

Muqdisho-KNN-Lixdan iyo lix qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku burburtay gudaha dalka iiraan.

Diyaaradaan oo sitay rakaab gaaraya 60 qof iyo 6 kale oo shaqaalaha diyaardaas ka mid ahaa ayaa ku burburtay dhul buuraley ah oo ku yaalla bartamaha dalka Iiraan.

Warbaahinta gudaha dalka Iiraan ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ku soo dhacday magaalada Semirom ee gobolka Isfahan.

Diyaaradda ayaa isaga kala goosheysay magaalooyinka Tehraan iyo Yausj, waxaana sida la sheegay saarnaa 60 qof oo rakaab ah iyo lix qof oo ka tirsan shaqaalaha diyaaradda.

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo gurmad ahayd ayaa lagu soo waramayaa in ay u suurtageli weyday in ay gaarto goobta ay diyaaradda ku burburtay sababo la xiriira cimilada oo aad u xun awgeed.

Ilaa haatan si rasmi ah looma oga sababta keentay in diyaaradaasi ay ku dhacdo gudaha dalka Iiraan.