Uncategorized

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Qarax lala beegsaday Ciidamada kenya oo ka dhacay magaalada Dhoobley

Dhoobley-KNN-Saraakiisha ciidamada Milateriga Kenya ayaa faafaahin ka bixiyay Qarax lala beegsaday Gaadiidka dagaalka ee ciidamada Kenya ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo marayay magaalada Dhoobley ee gobolka Jubba-Hoose.

Saraakiisha ayaa sheegay in mid ka mid ah Gaadiidka Dagaalka ee Ciidamada Kenya lala eegtay Qarax Miino islamarkaana ay kaga dhinteyn 7 Askari 2 kalana ay kaga dhaawacmeyn.

Waxaa sidoo kale ay tilmaameyn Saraakiishaan in Ciidamada markii Qaraxa lala beegsanayay ay ku jireen roondo ay ku xaqiijinayeen amaanka deegaanadaasi.

Ciidamada Kenya ayaa howgal ka bilaabay halka qaraxa lagula eegtay iyo deegaanada kale ee ka agdhow.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay mas`uuliyada Qaraxaasi Miino ee lala eegtay Kolonyada Gaadiidka dagaalka ee Ciidamada Kenya, waxayna tilmaameyn in ay qaraxaasi ay ku dileyn 15 Askari oo kenyaan ah.