Uncategorized

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar ka dhacay dalka Canada

Muqdisho-KNN-Booliiska dalka Canada ayaa shaaciyay in Sagaal qof ay dhimateen lix iyo toban kalana uu soo gaaray dhaawacyo kaddib markii nin u muuqanayo inuu si ulakac ah gaari u jiirsiiyay dad marayay hareeraha waddo aad u mashquul badan oo ku taal magaalada Toronto ee waddanka Canada.

Darwalka waday gaariga dadka la jiirsiiyay ayaa waxa uu isaga baxsaday goobta, hasayeeshee waxaa lagu qabtay meel aan sidaasi goobta uga fogeyn xabsiga ayaana loo taxaabay.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in aanay weli ogaan sababta qofkaasi laga shakisan yahay ku dhalisay inuu weerrarkan gaysto.

Qof ka mid ah dadkii goobtaasi joogay ayaa sheegay in gaarigu uu ku socday xawaare aad u sarreeya.

Wasiirka Badqabka Dadweynaha ee Canada, Ralph Goodale, ayaa dhacdada ku tilmaamay inay tahay mid khatar ah hasayeeshee waxa uu diiday inuu ka hadlo waxa sababay arrintan.

Kuxigeenka taliyaha booliska Toronto, Peter Yuen, ayaa sheegay in boolisku uu baarayo darawalkii waday gaariga, waxa uuna codsaday in dadkii goobjoogayaasha ah ay la soo xiriiraan.

Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa ku shirayay wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka ku midoobay G7 ee ku hormuray warshadaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin Canada, Mareykanka, Britain, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Japan.