Uncategorized

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsaday xarun lagu dhaqan cilinayay.

Garowe-KNN-Warar naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in 13 ka tirsanaa dagaalamayaashii Al-Shabaab ee lagu qabtey dagaalladii Suuj, Garmaal iyo waliba Garacad ay ka baxsadeen guri ku yaala magaalada Garoowe oo lagu hayey muddo dheer.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay in a ahaayeen caruur xilliga la qabanaayey ay dagaalka kula jireen ciidamada maamulka Puntland, waxaana guriga loogu samaynayey wax loogu yeeray dhaqan-calin. balse ilo xog ogaal ah ayaa ku waramaya in ay ku jireen maxaabiistaas shaqsiyaad qaan gaar ah.

Guriga lagu hayey dhalinyarada baxsatey ayaa loogu yeeraa Safe House waxaana mashruuc ku qaatey, shirkad si gaar ah loo lee yahay oo uu maamulo nin lagu magacaabo C/fitaax Sugulle, shaqsigaas oo ah ganacsade xiriir dhow la leh Madaxwayne Gaas ayaa horey u ahaa Wakiil uu Madaxwaynaha Puntland C/wali Gaas u igmaday mas’uuliyada iyo maamulka Warshad Lacagta Shilin-ka Soo saarta oo ku taalla magaalada  Boossaaso.

Wararku waxay intaas ku darayaan in mid kamid ah dhalinyaradaas dib loo qabtey, halka 12 kii kale aan gacan lagu dhigin lamana oga in ay ku jiraan gudaha magaalada Garoowe iyo in ay ka baxsadeen.

Dadka qaarkiis ayaa ku eedaynaya shirkadda qaadatey qandaraaska lagu dhaqan celinaayo dhalinyaradan in ay ka dhigatey mashruuc aan dhammaan, warar kale ayaa sheegaya in qaar kamid ah kuwa gacanta ku hayey dhalinyaradan ay lacag ku bedelan jireen tiradooduna intaas ay ka badneyd markii hore.

Shabaab-ka ka baxsadey guriga amnigooda lagu sugayey ee Safe House ayaa weji gabax ku ah maamulka Puntland waxaana la is weydiinayaa khatarta ay keeni karto arrintan.