Muqdisho–KNN– Marba marka ka dambeysa waxaa isi soo taraya Wararka ka soo baxaya Qaraxii Cuslaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho,waxaana Qaraxu uu sababay Dhimasho iyo Dhaawac badan.
Gaariga Qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa Gaari Xamuul ah,waxaana lagu sheegay inuu ahaa TM laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qaraxa.
Dadka ku dhintay Qaraxa inta la ogyahay ayaa la sheegay in ay 50 ka badan yihiin,waxaana Dhaawacu uu kor u Dhaafay 100 kale,iyadoo la sheegay in Dad kale weli ay ku hoos jiraa Dhismeyaal ku soo dubay.
Sidoo kale waxaa Dad Goobjoogeyaal ah ay sheegeen in Dhimashada aan la qiyaasi karin,dhaawacuna uu yahay mid Xadkii dhaafay.
Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa naloo sheegay in la geeyay 40 Dhaawac ah iyo 16 Qof oo Meyd ah.
Sidoo kale Isbitaalada kale Ee Muqdisho ayaa la geeyay Dadkii ku Waxyeeloobay Qaraxa.
Wasiirka Amniga Xukumadda Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa Goobta tagay.
Dhanka kale Qarax kale ayaa ka dhacay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho,iyadoo illaa hadda aan la ogeyn Faah-faahintiisa,balse Warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in Ciidamada NISA ay qabteen Gaariga iyo Ninkii waday iyadoo markii dambe Ciidamadu ay Qarxiyeen.