Uncategorized

Warar Hor dhac ah Qaraxa ka dhacay Agagaarka Bacadlaha Xamar-weyne

Muqdisho–KNN– Ugu yaraan 10  Qof oo ah Dad Shacab ah islamarkaana Saarnaa Gaari Caasi ah  ayaa ku dhintay Qaraxii ka dhacay Inta u dhaxeysa Maqaayadda Isisaar iyo Ajabka Shidaalka ee Bacadlaha Xamar-weyne ka xiga dhanka Qorax u dhaca,waxaana dhaawacu uu ku dhaw yahay 20 kale.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,waxaana Xilligaas goobta ka jiray Mashquul aad u badan,madaama ay Kaabiga ku hayso Meel laga raaco Gaadidka Dadweynaha oo Xilligaas aad u Mashquul aheyd.

Wariye ka tirsan KNN oo Goobta tagay ayaa arkay Meydadka 7 Qof oo Shacab ah,kuwaas oo badankooda saarnaa gaari Homey ah.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ayaa Goobta tagay si ay u Caawiyaan Dadka ay Masiibadu qabsatay.

Waxii ku soo kordha dib kala soco Insha Allah