Sports

Wararka ugu waa wayn ciyaaraha maanta oo isniin ah.

Muqdisho-KNN-Manchester United qadkeeda dhexa wiilka reer France Paul Pogba  ayaa yiri wax caqabad ah nama dhextaal aniga iyo macalinka naadiga Jose Mourinho wax walwal ahna kama qabo inaa katagayo Untd, iyadoo maalmihii danbe lahadal hayay in 25jirkaan uu faarujin doono Manchester United.

Kooxaha Everton, West Ham iyo Swansea ayaa dhamaantood  ku dagaalamaya adeega wiilka weerarka uga ciyaara kooxda Porto ciyaaryahan moussa Marega, 26 jirkaan ayaa lagu qiimeeyaa  35million.

Macalinkii hore kooxda Chelsea Gianluca Vialli ayaa qaba in wax waqti ah uusan u harin kaas uu kusii ahaado macalin sii leeliya kooxda Chelsea  macalin  Conte maadama kooxda hada aytahy koox xagaagii hore hoos uga dhacday qaab ciyaareedkeeda,  wallow macalin Conte uu  sheegay inuu wax walwal ah uusan ka qabin shaqadiisa.

Goolhayaha kooxda Crystal Palace Wayne Hennessey ayaa doonaya inuu sii joogo garoonka kooxdiisa Selhurst Park, 31jirkaan ayaa heshoiiskiisu dhacayaa xagaagan soo aadan .

Sunderland ayaa xiiseenaysa adeega 24jirka goolka u ilaaliya kooxda Readingkaas oo uu heshiiskiisu ku egyahay xagaaga soo aadan .

Kooxda talyaaniga caasimadiisa ka dhisan ee Roma ayaa beenisay inay dalab ka heshay kooxo waaaawayn kaas oo lagu doonayo gool hayaheeda Brazilianka ah ee Alisson , 25 jirkaan ayaa lasoo warinayay inay xiiseenayaan kooxaha Real Madrid iyo Liverpool.

West Ham ayaa qorshaynaysa inay heshiis kala gaarto kooxda Inter Milan kaas oo kusaabsan ciyaaryahanka amaahda hada kula jooga ee Joa Mario si ay uga dhigto heshiiskiisa mid joogta ah.

Kooxda Mancghester City ayaa loolan kala kulmaysa kooxaha Borussia Dortmund , Feyenoord iyo PSVEindhoven doonista 18jirka Macedonia u dhashay ciyaaryahan Eljif Elmas.

Wararka isasoo taraya ee Lala xiriirinayo ciyaaryahan Neymar kooxda Real Madrid ayaa sii kor dhaya wallow ciyaaryahanka ay kawada tirsanyihiin kooxda Paris St-Germain ee Kylian Mbappe uu qabo inay hadaladaasi ay yihiin wax iska war saxaafadeed ah Neymarna uu sii ahaan doono shaqsi  si wadda jira ay uwada joogi doonan kooxda BSG.

Qalinkii:Aadam Aqyaar