Sports

Wararka ugu waawayn ciyaaraha maanta oo Sabti ah.

Muqdisho-KNN-Manchester United qadkeeda dhexe Ander Harrera ayaan la ogayn in uu qandareeska u cusboonaysiinayo kooxdiisa Old Trafford,  maadama xidigan Spain uu qandaraaskiisa ku egyahay ilaa 2019ka, 28jirkaan aya shaki lagalinaya kusii nagaashiyaha Man United.

Tottenham iyo West Ham ayaa isku garbinaya heshiiska xidiga qadka dhexe ee Barcelona Andre Gomes, 24jirkaan Burtugal ayaa laga yabaa in uu xgaaga soo aadan faarujiyo masraxa kooxda Barcelona.

GareThBale ayaan ku farxin badalkii loo taagay qaybta labaad ee ciyaartii kooxdiisa Madrid hooygeeda kusoo dhaweesay dhigeeda Juventuus 8dhamaadka Champion League, lkn wali wiilka Wales waxa uu wali doonaya sii joogitaanka horyaalka La Liga iyo kooxdiisa Real Madrid.

 Macalinka kooxda Arsenal macalin Arsene Winger ayaa mustaqbalkiisa waxa lala xiriiriyay natiijada uu kakeeni karo wajihidiisa Semi Finalka Europe League kooxda Atletico Madrid.

Macalinka kooxda Man City aya ku eedeeyay kooxda Chalsea iyo Manchester United inaysan ku qanacsaneenin adeega caawiya garsoorayaasha ee looyaqaan VAR laga hirgaliyo horyaalka Premier League.

Ciyaaryahanka xulka qaranka Belgian iyo kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa ugu danbeenshaaca ka qaaday inuusan ku qansaneen qaabciyaareedki ugu danbeeyay uusoo bandhigay xagaagan xidigan ayaana lahadal hayaa in uu faarujin doono kooxda Chalsea xagaaga soo aadan.

Ugu danbeentiina, kooxda Manchester City ayaa diyaarinaysa qorshe ay kusoo dhaweenayso kooxda Manchester Untd in ay wadaagaan garoonka Etihad Stadium hadii ay Untd ku dhaqaaqdo in ay dayactirato garoonkeeda Old Trafford.