Sports

Wararka ugu waawayn ciyaaraha manta oo Axada.

Muqdisho-KNN-Manchester United macalinkeeda Jose Mourinho ayaa doonaya inuu is dhaafsi ku helo wiilka ugu qalisan dunida kubada cagta ciyaaryahan Neymar isagoo u adeegsanaya adeega xidigaas inuu siiyo Paris St-Germain xidigihiisa France u wada dhashay Paul Pogba iyo Anthony Martial sida ay daabacayso majalada (Daily star Sunday).

Kooxada Manchester City ayaa lagu wadaa inay qandaarska u kor dhiso macalinkeeda Pep Guardiola kaas oo noqonaya macalinka ugu mishaarka badan dunida, heshiis uu sanadkii ku qaadanayo 20m isagoo Etihad Stadium sii joogaya ilaa 2020, sida uu daabacayo warsidaha (Sunday mirror).

Paris st-gemain ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqayso adeega wiilka masaarida micnaha badan kasameenaya EPLka garabka weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool Mohamed Salah, 25jirkaan ayaa lafahansanyahy inuu bartilmaameed u yahy xagaaaga soo aadan kooxo badan.(Le10 Sport –in Franch).

Real Madrid macalin keeda Zinedine Zidane ayaa shaaca ka qaaday inuusan ku faraxsaneen 28jirka xulka welsh  magaalada Madrid iyo sii joogitaanka kooxda Real Madrid xidgaan ayaa lahadalhayaa inuu xagaaga soo(Sunday Mirror).

Leicester ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Norwich ciyaaryahan James Maddison, 21jirkaan lagu qiimeeyo 17m ayay qorshaynaysaa inay badal uga dhigto ciyaaryahan Riyad Mahrez, xidigaan Algeria ayaa laga yaabaa inuu ka dhaqaaqo xagaaga soo aadankooxdiisa Leicester (Sun on Sunday).

Macalinkii hore kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa lagusoo waramayaa inuu yahy macalinka ugu cadcad inuu noqdo macalinka cusub xulka qaranka Italyisagoo badalaya macalinkii shaqadaan laga eryay Giampiero Venture, Azzuri ayaanan qayb ka ahay koobka aduunka June bartamaheeda ka dhacaya Rusia (Suday Tomes).

Real Madrid ayaa qorshaynaysa inay badal uga dhigto macalinka kooxda Zidane hadii laga cayriyo kooxda, macalinka ka arimiya kooxda Liverpool macalon Jorgen Klopp.(Sun on Sunday).

Juventus macalinkeeda Massimiliano allegri ayaa lagu wadaa inuu badal u noqdo macalinka kooxda Chelsea, iyadoo sidoo kale lahadal hayo inuu badal u noqon karo macalinka kooxda Real Madarid(Sunday Express).

Agaasiimaha kooxda Roma, Monchi, ayaa sheeegay in kooxdiisa ay qorshaynayso u dhaqaaqida adeega ciyaaryahan Mario Balotelli, 27jirkaan u ciyaara kooxda Nice ayay macquul tahy inuu kusoo laabto Italy, Roma ayaana wadahadalo lafuraysa wakiilka xidigaan Mino Raiola(Corriero dello Sports).

 

Qalinkii: Aadam Aqyaar