Sports

Wararka ugu waaween caawa ciyaaraha.

Muqdisho-KNN-Manchester United’s 27-jirkeeda shabaqana u qabta Spain David degea ayaa kusii dhawaanaya in uu u saxiixo 5-sano oo qandaraas cusub kaas oo uu asbuucii ku qaadan doono lacag dhan £350,000.

Paris St-Germain ayaa isku diyaarinaysa in ku yaboohdo Tottenham daafaceeda Toby Alderweireld, Oo 29-jir ah, adduuun lacageeed dhan £10m xillli cyaareedkii ayagoona doonaya in ay kasaxiixdaan qandaraas shan sano ah isagoo xidigan reer Belgium uu ku dhawaanayo in uu isaga tago Spurs kadib markii wada hadalladii qanadraas kor dhintiisa ay burbureen.

Chelsea milkiilaheeda Roman Abramovich ayaan ku faraxsaneen iyadoo  kooxdu ay u muuqato mid ay sii baaba’yso rajadeeda ah in usoo baxda koobka dhagawayne balse waxa uu daneenaya in uu ka taqalluso shaqada macallinka kooxda Antonio Conte kaas oo qandarskisa ay ka hadhay hal sano iyo bar oo uu ku qaadanayo lacag dhan £9.5m.

Bayern Munich tababaraheeda Jupp Heynckes ayaa sheegay in Real Madrid ayasan u haysan wax fursad ah in ay ka iibsato 29-jirka Poland weerarka uga cayaara ee Robert Lewandowski.

Juventus macallinkeeda Massimiliano Allegri ayaa sheegay in uu ka qaban doono shaqadiisa ee xiga meel ka baxsan Italy.

Mario Balotelli wakiilkiisa ayaa sheegay in uuu wada hadal kula jiro kooxaha reer Engalnd, ayadooo 27-ka weerar ka cayaara uu qandaraaskiisa Nice uu dhici doono xagaaga soo aadan.  

Barcelona daafaceeda 23-jirka ah ee reer France Samuel Umtiti ayaa sheegay in aysan wali bilaaban wada hadaalada loogahadalyo qandaraaskiisa kooxda ayadoo ay jiraan xiiso kaga imaaanaya kooxo fara badan oo ay ugu horayso Man Untid.”.

Qalinkii: Aadam Aqyaar