Uncategorized

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii maanta ka dhacay Afgooye

Afgooye-KNN-Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee manta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan hal Askari iyo Shacab ka badan 5 ruux ay ku geeriyoodeen sida wararka hadda soo baxaya ay tilmaamayaan.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa tilmaamay in qaraxa ismiidaaminta ah uusan u dhicin sidii uu doonayay qofkii naftii haliga ahaa ee watay Gaari ay ka buuxeen wax yaabaha Qarxa.

Kaas oo damacsanay in Qaraxa uu la beegso Gaadiidka dagaal ee ay wateen ciidamada ka tirsan dowlada islamarkaana uu tababaray Mareykanka, fadhiisimana ku leh Garoonka Balli doogle ee gobolka Sh/Hoose.

Laakiin uu ku qarxay Gadiidka ay wateen ciidamada gadaashood, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Mid ka mid ah Gaadiidka dagaalka ee ay wateen Kolonyadaasi Qaraxa lala beegsaday ayaa jiiray caruur goobta ka ag dhaweed, kadib Gaariga  ka baxsanayay Qaraxaasi.

Qaraxaasi ismiidaaminta ah ayaa mas`uuliyadiisa waxaa sheegtay Kooxda Al-shabaab oo sheegay in ay ku dileyn 12 Askari oo ka tirsan ciidamada Bangaraafta ee dowlada Mareykanka uu tababaray.