Somali News

Wararkii u dambeeyay ee dagaalka ka dhacay Ceeldheer

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo ka dhacay magaalada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, ka dib markii halkaasi ay soo weerareen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Guddoomiyaha magaalada Ceeldheer ayaa sheegay in weerarka ay ka hortageen, isla markaasna ay khasaare gaarsiiyeen dagaalameyaashii soo weeraray. 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay weerarkan ‘jab xooggan’ ugu geystay Al-shabaab, sida lagu sheegay qoraal kusoo baxay warbaahinta dowladda.

“Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo.” ayay qortay warbaahinta dowladdu.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa sheegtay weerar ay ku qaadeen geysatay xerooyinka ciidamada dawladda ee ku yaala magaaladaas, laakiin sheegashadan si madax banaan looma xaqiijin.