Somali News

Wararkii u dambeeyay ee weerarka lagu qaaday Hoteelka SYL

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab Hoteelka SYL oo ku yaalla meel u dhaw Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa soo weriyay qaraxyo iyo rasaas laga maqlay hoteelka.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarka, balse ilaa hadda lama caddeyn inta uu la egyahay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan weerarkaasi.