Somali News

Qarax iyo dagaal toos ah oo ka socda hoteel ku yaala Muqdisho

Qarax uu weerar xigay ayaa goordhaw ka dhacay Hoteel Afriik oo u dhow Garoonka Diyaaraha ee magaalada muqdisho.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in koox hubeysan ay gudaha u gashay Hooteelka, iyadoo xilligaasi ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan.

Waxaa la maqlayaa rasaas xooggan oo ay is-weedaarsanayaan kooxaha hoteelka Soo weeraray iyo illaalada saraakiisha iyo hoteelka.

Ciidamada Ammaanka ayaa gaarey Hoteelka oo weli ka dagaalamayaan kooxda weerarka Soo qaaday.

Illaa hadda lama oga khasaaraha, waxaana weli dhacaysa rasaas.

Wixii ka soo kordha kala soco Radiokulmiye.net