Somali News

Wararkii u dambeeyey shirka hoggaamiyeyaasha Soomaaliya oo ka furmay Afisyooni

Muqdisho-KNN-Waxaa goordhow Teendhada Afisyooni ka bilowday shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo lagu sii amba qaadayo wadahadalladii hor dhaca u ahaa shirweynaha guud ee heshiiska looga gaarayo khilaafka doorashada.

Dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaare Rooble iyo Duqa Muqdisho ayaa goobjoog ah oo shirka soo xaadiray.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shir guddoominaya kulanka maanta madaxda uga furmay Afisyooni.

Xukuumadda ayaa qoraal ay ka soo saartay shirkan waxay rajo uga muujisay in maanta horumar laga sameeyo qodobada la isku mari la’aa maalmihii lasoo dhaafay.

Qodobada la isku hayo waxaa ka mid ah ajandaha shirka rasmiga ee lagu in madaxdu ay yeeshaan todobaadyada ama maalmaha soo socda.