Somali News

Wararkii u dambeeyey shirka madaxda Soomaaliya ee Afisyooni

Muqdisho-KNN-Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa maalintii labaad ku shiraya teendhada Afisyooni oo ku dhex taalla xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Ilo ku dhaw shirka ayaa KNN u sheegay in madaxdu ay soo wada xaadireen goobta, isla markaana ay isku diyaarinayaan sii amba qaadida wadahadalladii soo bilaawday shalay.

Madaxda ayaan weli shirka u ogolaan warbaahinta, iyadoo aan illaa hadda wax sawir ah laga heyn shirkaan maalinkiisii labaad galay.

Sida aan xogta ku helnay xubnaha beesha caalamka oo shirkaan soo abaabulay ayaa dibad-joog ka ah.

Inta badan waxaa shirkaan diirada lagu saarayaa isku soo dhawaanshaha madaxda Soomaaliya oo aad isugu maan dhaafay siyaasadda dalka, iyo dejinta ajendaha shirweynaha xalka kama dambeysta ah looga gaarayo khilaafka doorashada.