Uncategorized

Wararkii ugu dambeeyay AMISOM oo ka baxday deegaanka Cali Fooldheere

Jowhar-KNN-Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ee ku sugnay deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa isaga baxay deegaankaasi oo muddo ku dhow sanad ay fadhiisimo u aheed Ciidamadaasi.

Wararka ay heleyso Idaacada Kulmiye ayaa sheegaya in ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee deegaanka Cali Fooldheere ay timid kadib markii maalmihii dambe ay ciidamadaan ka cabanayeen biyo la`aan ku haysata deegaankaasi iyadoone Al-shabaab ay dhowr jeer oo hore ay wadada u galeen Ciidamadaan AMISOM oo doonayay biyo.

Biyo la`aantaan ayaa Ciidamada AMISOM waxay ka cabanayeen maalmihii dambe, sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil sare oo NISA iyo Kuwa Xoogga ka tirsan oo KNN la hadlay.

Saraakiisha Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in roob xoog leh habeenadii la soo dhaafay uu ka da’ayay Shabeelaha Dhexe kaas oo biya dhigay gobalka, balse sidoo kale saameyn balaaran ku yeeshay Gaadiidka AMISOM kadib markii uu biya dhigay Wadooyinkii ay Isticmaali jirayn Ciidamada AMISOM.

Lama oga sababta ka dambeysa Guuritaanka Ciidamada AMISOM ee deegaanka Cali Fool-dheere, waxaana wararka ay intaas ku darayaan in ay degayn degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelaha dhexe Ciidamadii ka soo baxay Cali Fool-dheere.

Dhinaca kale dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa la wareegay Deegaanka Cali Fooldheere oo ay ka baxayn Ciidamada AMISOM, dadka deegaanka ayaa shegay in shabaab ay soo galayn deegaanka islamarkaana ay galayn Fariisimihii Ciidamada AMISOM.

Shabeelaha dhexe Ciidamada ka jooga Howlgalka AMISOM ayaa ka soo jeeda Wadanka Burundi waxayna dhowr ay la kulmeen weeraro kaga yimid Dagaalamayaasha Al-shabaab.