Uncategorized

Wararkii ugu dambeeyay dagaal xalay ka dhacay deegaanka Busaar ee gobolka Gedo

Ceel-waaq-KNN-Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saakay ay dagan tahay xaalada degaanka Busaar ee dhaca duleedka bari ee degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo xili halkaasi ay ku dagaalameen  Ciidamada Dowlada iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidmada dowladda ay ku la haaayeen degaanka Busaar ee gobalka Gedo.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee jira, maadama xiliga uu dagaalka uu dhacayay ay aheed xili dambe ee xalay ah sida dadka deegaanka ay u sheegeen Idaacada Kulmiye.

Goob joogayaal la hadlay KNN waxay sheegeen in xalay deegaanka Busaari uu ka dhacay dagaal muddo kooban socday oo leysku adeegsaday hub culus iyo mid fudud, isla markaana Saakay xaaladu ay tahay mid dagan.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee gobolka Gedo oo qadka taleefoonka aan kula xariirnay ayaa inuu suura gali wayday in aan helno si aan wax ugu weydiino dagaalkaasi iyo Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah gobolada maalmihii dambe ay ka dhacayeen weerarada ay geystaan dagaalamayaasha Al-shabaab.