Uncategorized

Wararkii ugu dambeeyay Dagaalkii ka dhacay Degmada Baled-xaawo Ee Gobolka Gedo

Baled-xaawo–KNN– Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya Dagaalkii Cuslaa ee ka dhacay Degmada Baled-xaawo Ee Gobolka Gedo,waxaana Xoogaa Degenaasho ah laga dareemayaa Magaalada Baled-xaawo.

Ugu yaraan 40 Qof oo isugu jira Ciidamada Jubbaland iyo Dad Shacab ah ayaa la Xaqiijiyay in ay ku dhinteen Dagaalka ka dhacay Baled-xaawo,waxaana KNN ay heshay in Ciidamada ku dhintay Dagaalka ay gaarayaan illaa 29 Askari,halka Dadka Shacabka ah ay ku dhow yihiin illa 10 Ruux.

Al-shabaab ayaa isaga baxay Magaalada Baled-xaawo oo ay Saakay Dagaal kula Wareegeen,waxaana hadda Magaalada dib ugu soo laabtay Ciidamada Maamul Goboleedka Jubbaland.

War lagu qoray Warbaahinta Taageerta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Dagaalka Baled-xaawo ay ku dileen 30 Askari oo ka mida Ciidamada Maamulka Jubbaland sida ay hadalka u dhigeen.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland Weli wax War ah kama soo saarin Weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen Degmada Baled-xaawo Ee Gobolka Gedo.