Somali News

Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii Saakay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni

Muqdisho-KNN-Dagaalameyaal Hubeeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii hore ee saaka waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamadda Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin Deegaanka baar Sanguuni ee gobolka jubadda hoose.

Weerarku waxaa uu ku billowday gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray, waxaana xigay dagaal toos ah oo Dagaalameyaal Al-shabaab ka tirsan ay ku qaadeen Ciidankii fadhiyay Saldhigga baar sanguuni.

Sarkaal ka tirsan ciidanka military-ga oo joogay saldhigga markii uu Weerarku dhacay ayaa Radio kulmiye u sheegay in Dagaalku uu billowday 5:00 aroornimo ee saka.

Al-shabaab oo Weerarka sheegay waxay Warbaahintooda ku faafiyeen in ay saldhigga qabsadeen.

Afayeenka Al-shabaab ee dhinaca Howlgaladda Cabdi casiis Abuu Muscab ayaa Reuters waxaa uu u shegay in 27 Askari ay ka dileen ciidanka Dowladda eek u Sugnaa baarsanguuni.

Muqtaar cabdi maxamed oo ka tirsan Saraakiisha Dowladda ee joogay Saldhigga la weeraray ayaa Kulmiye u sheega in ay iska difaaceen Weerarki Al-shabaab,Wuxuuna faah-faahiyay Qasaaraha Labadda dhiac dagaalka kasoo gaaray.

Sida ay sheegayaan Warar Idaacadda kulmiye ay ka heleeyso Magaaldda Kismaayo, waxaa Cusbitaalka kuyaala Kismaayo la geeyay dhaaawacyadda ciidamo ka tirsan military-ga Soomaaliya.

Suxufiyiin isku dayay in ay Cusbitaalka Booqdaan ayaa loo diiday waxaana lagu gadaamay Ciidan aan shacabka u ogoleeyn in ay gudaha Cusbitaalka galaan.

Dhaawaca Saraakiil military iyo Askar liidata ayaa lageeyay Cusbitaal Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Garoonka kismaayo.

Waxaa Adag in la ogaado tiradda dhaawaca.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in Ciidanka Dowlada looga dilay Dagaalkii baar sanguuni ay tiro ahaan garayaan 20 askari.

Al-shabaab ayaa sidoo kale lasheegay in ay Qabsadeen saldhigii ay weerareen inkastoo markii dambena ay ka bexeen

Ciidan gurmad ah iyo masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweeyne ku xigeenka koowaad ee jubaland Maxamuud Sayid aadan ayaa aaday dhulkii saaka lagu dagaalay.

Dabayaaqadii may ayey Ciidanka Dowladda oo kaashanaya Ciidammo Mareeykan ah Al-shabaab ka qabsadeen baar sanguuni.

8 dii June weerar Qarax ku Bilowday oo Al-shabaab Isla baarsanguuni ku qaadeen waxaa ku dhintay Askari mareeykan ah Afar kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Isla Bishii June Weerar Alshabaab ay ku qaadeen Baar Sanguuni waxaa ku dhintay ugu yaraan Todobo Askari oo ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaaliya.