Uncategorized

Wararkii ugu dambeeyay Duqeyntii ka dhacday gobolka Hiiraan

Beladweyn-KNN-Waxaa Saakay degan deegaanka Jil-Jiiley oo 18 KM ujira deegaanka Ceel-Cali oo dhanka galbeed 70 KM ugu beegan magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay ka fuliyeyn duqeymo ay la beegsadeen kooxda Al-shabaab oo xiliga duqeynta lala beegsanayay waday dhaq dhaqaaq ciidan.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa shalay galinkii dambe deegaanka Jil-Jiiley ku garaacay ilaa iyo dhowr gantaal, kuwaas oo la sheegay in khasaaro xoogleh ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab ee duqeynta lala beegsaday, inkastoo aan si rasmi ah aan loo xaqiijin Karin khasaaraha inta uu la egyahay.

Al-shabaab ayaa la sheegay in duqeyntaas ay u soo qab qabteyn dhalinyaro deegaanka ah oo ay ku eedeeyeen in ay hagayeen Diyaaradahaasi duqeynta fuliyay, mana la oga tirada dhalinyarada Al-shabaab ay qabteyn.

Sida ay tilmaamayaan warar kala duwan ee soo baxaya deegaanka ay duqeynta ay ka dhacday ayaa Al-shabaab wuxuu u ahaa deegaan ay ka soo abaabulaan weerarada ka dhaca gobolada Hiiraan, Bakool iyo gobalo kale.

Wuxuuna qubarada dhanka amaanka ay tilmaameyn in deegaankaas Al-shabaab uu u ahaa deegaan muhiim u ah.

Diyaaradahaan Duqeynta fuliyay ayaa la ogen wadanka laga leeyahay laakiin sanadihii dambe ayaa duqeymo Soomaaliya waxaa ka fulinayay diyaaradaha Droneska ee Mareykanka kuwaas oo kordhiyay duqeynaha ay ka fuliyaan gobolada dalka.