Somali News

Wararkii ugu dambeeyay Fagaare uu joogay Ra’iisul wasaraha Itoobiya oo la qarxiyay.

Addis-Ababa-KNN-Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dhowr ruux ay dhinteen kuwo kalena ay dhaawacmeen kadib qarax lala eegtay iskusoo bax uu ka hadlayay Sabtigaan Maanta ah.

Waxa uu ku qeexay “Iskuday aan guuleeysan oo ay sameeyeen xoogag aan dooneeyn in ay arkaan Itoobiya oo mideeysan”.

Si deg-deh ayaa Ra’iisulwasaaraha goobta looga saaray kadib qaraxa, oo loo maleeyay in uu ahaa Bambo lasoo tuuray iyadoo kumanaan dad ah ay isugu yimaadeen Fagaaraha  Meskel ee ku yaala caasimadda Addis Ababa, sida lagu daabacay bogga BBC-da.

Fitsum Arega, oo ah madaxa shaqaalaha ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa twitter-kiisa ku sheegay in kooxo aan la ogaan cidda ay yihiin ay Bom-gacmeed ku weerarareen isusoo baxa.

“kuwo qalbigoo nacayb ka buuxo ayaa isku dayay Weerar bombo. Ra’iisulwasare Abiy goob uu ka khudbeynayay ku weeraray waa uu ka bad qabaay” ayuu twitter-kiisa kuqoo qoray Arega.

Wariye ka tirsan AP ayaa sheegay in dad ka badan 12 ruux ay weerarka ku dhaawacmeen.

Waxaa mar qura kala cararay dad badan oo isu soo baxay, waxaa laga baqayaa in isbuurasho ay waxyeelo kale sababto.

Markii Qaraxu uu dhacay Abiy waa uu dhameeystay Qudbaddii uu ujeedinayay Dadweeynaha, isagoo gacanta u ruxaya shacabka, dadkuna ay heesayaan ayaa Qaraxu gilgilay, sida uu Wariyay TV-ga Al-jasiira.

Abiy Axmed waxa uu ra’iisul wasaare noqday kadib markii uu si lama filaan ah isu casilay ra’siisul Wasaarihii ka horreeyay,.

Ethiopia waxaa ay la liiceeysay sanado rabshado ah oo looga soo horjeeday Dowladdii uu hugaaminayay Hailemariam Desalegn oo Bishii Labaad ee sanadkaan is casilay.

Abiy Axmed waa Hugaamiyihii ugu horreeyay ee Wadanka oo kasoo jeeda Qowmiyadda Oromadda oo kudhawad Sadax sano waday mudaharaadyo ay Dowladda uga soo horjeedeen, iyadoo kumanaanna ay ku dhinteen.

Waxa ugu weeyn ee ay ka cabanayeen waa in dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaan la wiiqay muddo sanado ah, iyadoo ay yihiin Qowmiyadda Wadanka ugu badan.

Dowladda Ethiopia waxaa muddo lagu eedeeynaayay Xadgudbyo xuquuqda insaanka ah oo ay ku jiraan, jirdil iyo dad siyaasad loo dilay.

Si kastaba Ra’iisul wasaare Abiy waxaa uu bilaabay isbadalo nasiino u ah Wadanka oo awood markii hore lagu muquuninayay. Isbadalaas waxaa ka mid ah, Xayiraaddii o laga qaaday  baro internet iyo TV-yo. Waxaa sidoo kale Xabsiga laga siidaayay Siyaasiyiin mucaradnimo loo xiray.

Jimcihii, falaagadda hubeeysan ee Ginbot 7 ayaa sheegay in weeraradda joojinayaan.