Uncategorized

Wararkii ugu dambeeyay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari nuuca loo yaqaano Borobox ayaa maanta ka dhacay Waaqoyga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qaraxaasi Ismiidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay qof naftii hura ah oo la beegsaday Qaraxa goob ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan.

Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay 6 qof oo kala ah laba sarkaal iyo afar Askari oo ilaalo u`ahaa Saraakiisha dhimatay.

Sidoo kale waxaa jiro tiro dhaawacyo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalada ku yaala magaalada Gaalkacyo oo isugu jiro Askar iyo dad shacab ah, kuwaas oo ku dhaawacmay Qaraxaan ismiidaaminta ee lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo.

Dadka deegaanka oo la hadlay KNN ayaa waxay tilmaameyn in qaraxa uu haa mid xoogan dhawaqiisana laga maqlayay meelo fog fog.