Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay warshadii hore ee caanaha ka soo horjeedka dugsi sare taleex.
Gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu ahaa kaarib,islamarkaasina dad lagu qiyaas afar qof ay saarnaayeen.
Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay 1 qof oo kamid ah ahaa dadkii saarnaa gaariga qarxay,halka dhaawac garaab ah lagu qaaday 2 qof,waxaana la sheegay in qofkii afaraad uu ka badbaaday qaraxa.
Halkii uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidammo ka tirsan dowladda gaar ahaan kuwa booliis ah,iyagoona isku gadaamay goobtii uu qaraxa ka dhacay iyo hareeraheeda.