Somali News

Wararkii ugu dambeeyay Qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax gaari loo adeegsaday oo maanta ka dhacay laamiga wadada Dabka, gaar ahaan ka soo horjeedka hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho waxaana ku dhintay ku dhowaad 10 qof tiro kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray sida ay sheegayaan warar horudhac ah.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari la dhigay meel ay ku yaalaan laba maqaayad oo iska horjeeda, sidoo kalane ah wado aad u mashquul badan oo ay isticmaalaan dadweyne kala duwan.

Mas’uuliyiinta Gaadiidka Gurmadda deg degga ah ayaa sheegay in ay qaadayn dhaawacyo ka badan 10 qof, sidoo kale gaadiid badan ayaa halkaasi ku bur buray.