Uncategorized

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ka dhacay duleedka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Gaari wax yaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo ku Qarxay inta u dhaxeysa deegaanka Siinka dheer iyo Degmada Kaxda.

Gaarigan oo ahaa nooca raaxada ayaa ku socday waddo qarda-jeex ah oo u dhexeysa degaanka Siinka dheer ee Gobolka Shabeellada hoose iyo Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa Wakaalada Wararka ee Dowlada u sheegay in Gaarigani ay ku raad-joogeen Ciidanka ka how-gala Siinka-dheer, taasoo suurto gelisay inay Gacanta ku dhigaan laamaha ammaanka.

Sarkaalkan ayaa intaa ku daray inuu qaraxu dhacay xilli ay Ciidanka ammaanka ay ku gudo jireen baarista Gaarigan laga soo buuxiyay walxaha qarxa, iyadoo halkaasi uu ku dhintay wadahii Gaarigaasi midkalana uu baxsaday.

Dhanke kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha C/casiis  Cali Ibraahim (Xildhibaan) oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in halkaasi uu ku dhintay  Wadahii  gaarikaasi, halka mid kale oo la socday gaariga siday Walxaha Qarxa uu baxsaday, isagoo ku dhex-cararey xaafadaha kuyaalla halkaasi , waxuuna intaa raaciyay in Ciidamada ammaanka ay kudaba jiraan midka baxsadka ah.