Uncategorized

Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Duhurnimadii maanta ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Qaraxyo daqiiqado ay u dhaxeeyeen oo ka kala dhacay wadda aada Garoonka diyaaradaha iyo Isgoyska Banaadir.

Qaraxyadaan oo loo adeegsaday Gawaari qiic iyo uuro ayaa laga arkayay meelo fog fog halka jugtoodana laga maqlayay si lamid ah meel dheer.

Qaraxa koobaad ayaa ka dhacay wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaano biyo dageynka oo Bar koontarool  ay ku leediyay ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, kuwaas oo baara Gaadiidka aada Garoonka diyaaradaha.

Qaraxaas ayaa waxaa loo adeegsaday gaari NOAH ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, sida Idaacda Kulmiye ay u sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada NISA.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in Gaariga marka uu qarxayay ay ciidamada ay baarayeen, isla markaana  wadihii Gaariga qarxay lagu amray in ka soo dago laakiinta mar qur ah uu is qarxiyay, halkaasi oo uu ku  go`a go`y halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 5 Askaro oo ka tirsan ciidamadii ku sugnay Bartaas koontarool.

Qaraxa labaad ayaa daqiiqado yar ka dambeeyay qaraxaas ka dhacay wadada aada Garoonka, wuxuuna ka dhacay aga gaarka daarta Say biyaano oo u dhow Isgoyska Banaadir.

Qaraxa ayaa ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay goob ku dhow bar koontarool oo ay ciidamada ku sugnaayeen.

Ciidamada ayaa marka hore gaariga ka shakiyay, waxayna uga digeen shacabka in ay u dhawaadaan gaariga.

Kahor inta uusan qaraxa dhicin ayaa waxaa israsaaseyn ay dhexmaratay Ciidamada ku sugnaa Bartakontorool iyo rag hubeysan oo watay gaariga, kuwaasi oo tiro ahaan lagu sheegay ilaa Saddex nin.

Goobjoogayaal ayaa Idaacada Kulmiye u sheegay in qaraxa uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inta la xaqiiyay kuwaad 10 qof ayaa ku geeriyootay oo sedax ka mid ah ay ahaayeen kooxdii wadatay Gaariga qarxay, halka inta kale ay isugu jiraan Askar iyo dad shacab ah, khasaaraha ayaa laga yaabaa in uu intaas ka badan yahay.

Maalmihii dambe ayaa wadooyinka magaalada Muqdisho waxa ay ahaayeen kuwoo xiran, xirnaashiyaha wadooyinka ayaa lagu micneeyay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ka dhanka ahaa Guddoomiye Jawaari, mana jirin wax digniin ah oo ka soo baxay laamaha amaanka oo ku aadan Qatar xiligaas ay dareemeen.