Sool–KNN–Wararka ka imaanaya deegaanka Gumburka oo ka tirsan gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa abid Ee Puntland maanta deegaankaasi lagu daad guraynayo kadib markii dagaal xoogani deegaanka Gumburka uu ku dhex maray Malayshiyaad halkaas wada daga.
Ciidamadani ayaa ujeedkoodu uu yahay kala dhex galida Beelaha walaalaha ah, waxaana lasoo sheegayaa in xaaladu ay haatan tahay mid kacsan oo laga yaabo in dagaal cusubi uu ka dhex qarxo mid kamid ah Malayshiyaadka Beelihii dagaalamay iyo ciidamada Puntland.
Dhanka kale waxaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ay wadaan kala dhex-galka Maleeshiyaadka halkaas ku Dagaalamay.