Uncategorized

Wararkii ugu Dambeeyay Xaalada ka jirta Magaalada Cadaado ee Galmudug

Cadaado–KNN–Xaaladda Magaalada Cadaado Ee Xarunta KMG Galmudug oo Maalmahaan marti galisay Khilaaf Siyaasadeed oo u dhexeeya Hay’adaha Dowliga ah ee Maamulka Galmudug ayaa Saakay Degen,waxaana Magaalada lagu arkayaa Ciidamo aad u badan iyo Maleeshiyaad aan Cidna ka amar qaadan oo Hub ku dhex wata Magaalada.

Odayaasha Dhaqanka Magaalada Cadaado iyo Ururada Bulshada ayaa ku baaqay in Xasilooni la muujiyo islamarkaana laga dheeraado wax walba oo Dagaal horseedi kara.

Magaalada Cadaado waxaa ku wada sugan Madaxweynaha Galmudug,Kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Khilaafku uu u dhexeeyo iyo sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo sheegay inuu Fashilmay Wada-hadalkii ay Labada Dhinac ka dhax wadeen.

Sidoo kale waxaa jirta Cabsi ay qabaan Dadka ku nool Magaalada Cadaado oo la Xiriirta in ay isku dhacaan Dhinacyada is haya,maadaama Magaalada ay buux dhaafiyeen Ciidamo aan la heyn Nadaam islamarkaana Mararka qaar la maqlayo Rasaas ay Cirka u ridayaan Ciidamada jooga Magaalada.

Waxaa Xiran Saaka oo Jimce ah Goobaha Ganacsiga oo Magaalada Cadaado,waxaana Dadka ay yihiin intooda badan kuwo ku jira Gurahooda oo aysan soo shaqo tagin.