Somali News

Wararkii ugu dambeeyey ee kulamo xalay ka dhacay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Wararkii ugu dambeeyey ee nagasoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xalay ay kulamo yeesheen wafdigii dowladda dhexe ee uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo  madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug markii laga reebo Madaxweyne Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay in uu wali ka biya diidanyahay la kulanka wafdiga dowladda dhexe halka wafdiga Wasiirka Arimaha Gudaha oo maalintii Seddaxaad ku sugan Dhuusamareeb ay wali ku dadaalayaan lakulanka Madaxweyne Xaaf oo Talada ugu sareysa maamulka Galmugud ay ka go’do.

Dad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa noo sheegay in saakay la arkayey gaadii dagaal oo gaaf wareegaya xaafadaha kala duwan ee magaalada Dhuusamareeb. Ciidamo wata gaadiid dagaal oo uu hoggaaminayo Wasiirka maaliyadda Galmudug Saciid Siyaad Shirwac ayaa xalay ku hoyday duleedka deegaanka Mareergur oo ay soo gaareen barqadii hore ee shalay, waxaana la sheegay in ciidamadaas ay doonayaan in ay gudaha u galaan magaalada Dhusamareeb, si ay dhanka Gaalkacyo ugu ka xeeyaan Madaxweyne Xaaf , balse waxaa arinkaas ka biya diiday saraakiisha Ciidamada Galmudug eek u sugan Dhuusamareeb.