Kismaayo-KNN-Waxaa isisoo taraya khasaaraha weerarkii qaraxa ku bilaaday oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotel lagu magacaabo Madiina horayna loo oran jiray Cascasey, kaas oo ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo ee xunta Gobolka Jubbada Hoose.
Laama amaanka Jubbaland oo in kabadan 12-saacadood la tacaalayay kooxdii weerarka soo qaaday ayaa goor dhoweed soo ban dhigay meydadka Afar ruux oo la rumeysanyahay in ay yihiin dagaalamaashii weerarka fuliyey.
Weerarka oo tan iyo xalay ka socday gudaha Hotelka ayaa lasoo afjaray waaberigii hore ee saakay, waxaana adag in warbaahintu ay gudaha u gasho Hotelka.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa xaqiijiyey dhimashada 26 ruux iyo dhaawaca in ka badan 50 ruux, waxaa wali goobtii uu ka dhacay weerarku ka socda gurmadka burburka dhismaha hoostiisa looga soo saarayo dadka, waxaana si rasmi ah loo xaqiiji Karin inta uu dhanyahay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee weerarkaas.
Maxamed Cumar Geedi oo kamid ah Musharixiinta maamulka Jubbaland oo isagu ku sugnaay Hotelka xiligii lasoo weeraray kana badbaaday ayaa Radio Kulmiye u sheegay in dhimashadu ay kor u dhaafeyso 30 ruux halka dhaawacana uu ka badanyahay 50 kale.
“waxaan daganaay Hotelka markii uu irida hore ka dhacay qaraxu waxaan isku dayey in aan ka baxo qeybaha dambe ee Hotelka, wey ii suurta galiweysay toogasho toos ah ayaa bilaabatay qolkeyga ayaan soo irtay iyagoo dadka tooganaya qeybaha kore ee Hotelka ayey u gudbeen Ciidamada ayey kor ka tooganayeen, 40-daqiiqo ka dib ayey Ciidamadu iga soo badbaadiyeen”, ayuu yiri Maxamed Cumar Geedi.
G/sare Cabdinuur Jaamac Jookar oo isaguna kamid ah dadka ka badbaaday weerarkaas ayaa isna KNN u sheegay in dadka dhaawacyada ah ay ku jiraan dad gaaraya 45 ruux oo dhaawacyadoodu aad u daranyihiin.
Weriyaal, Siyaasiyiin, Ajaanib iyo dad shacab ahaay ayaa ku dhintay weerarkaas, waxaana la sheegay in Hotelka ay ka socdeen xaflado kala duwan.
Hodan Naalaaye oo aheyd gabar si weyn looga yaqaanay baraha ay Bulshadu ku xariirto iyo Seygeedii Wasiirkii hore ee Ganacsiga jubbaland Fariid Jaamac ayaa ka mid ahaay dadka ku dhintay weerarkaas.
Wixii kusoo kordha kala soco KNN: